Allbanaadir.com
NEWS

Nin katirsan Al Shabaab oo la qabtay xilli uu doonayay in uu dhuumaaleysi ku…

Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa gacanta ku dhigay nin katirsan kooxda Al Shabaab, kaa oo doonayay in uu si dhuumaaleysi ah ku galo magaalada Baydhabo kana fuliyo howlgallo ammaanka magaalada liddi ku ah.

Ninkan oo lagu magacaabo  Cabdirahman Maxamed Xuseen, ayaa mooto lagu geeyay duleedka magaalada Baydhabo uu kusii jeeday, waxaana ninkan xilli uu doonayay in dhuumaaleysi ku galo magaalada ku qabtay koontaroolka Dugaandug ciidamo katirsan nabadsugida oo ka shakiyay.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku qirtay ninkan in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab uuna tababar kusoo qaatay gobolka Jubada Dhaxe, waxa uu sidoo kale sheegay ninkan in deegaan ahaan kasoo jeedo gobolada Soomaali Galbeed Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale sheegay ninkan in hadda gacanta ciidanka nabadsugida Koonfur Galbeed ku jiro, isagoona codsaday in la cafiyo loona taliyo, maadaama uu horey uga tirsanaa koox argagaxiso ah oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed , ayaa muddooyinkii dambe si weyn loo adkeeyay, waxaana duleedka magaalada yaalla koontaroolo laga hubiyo dadka doonaya in ay galaan magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Britain oo 70-sanno kadib raaligelin ka bixiyay Daldalaadii Maxamuud Mataan

Cabdi Cade

Madaxweynaha Galmudug oo Socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Garawe

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo saakay fashiliyay Qarax lagu diyaariyay wado kutaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---