Ciidamada amaanka oo saakay fashiliyay Qarax lagu diyaariyay wado kutaala Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay fashiliyay qarax miino oo la dhigay agagaarka Ex Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan la doonayay in waxyeelo lagu geesto.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada booliiska ayaa lagu wargaliyay in qarax miino la dhigay meel ku dhaw Hotelka Maa’ida Ex Hotel Naasa Hablood 2, waxaana ciidamada xireen aaga goobta qaraxa la dhigay.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa miinada ku xeel dheer ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay goobtaasi ku qarxiyaan, waxa ayna ciidamada kahor inta aysan miinada qarxin aagaasi ka saareen dadkii ku sugnaa.

Xaalada goobta miinada lagu qarxiyay ayaana si caadi ah kusoo laabatay, mana jiri wax khasaaro ah oo la sheegay in ay ka dhalatay miinadan ay fashiliyeen ciidamada booliiska Soomaaliya.

Wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa xiliyada qaar lasoo dhigaa miinooyin lala beegsado gaadiidka ciidamada iyo kuwa masuuliyiinta wataan, waxaana qaraxyadaasi miino mararka qaar geestaan khasaaro dad shacab ah soo gaarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -