Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo saddex arrimood kala hadlay Einar Rystad

Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabiley  Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Norway Mr. Einar Rystad.

Waxaana Kulanka dhax maray Madaxweyne Biixi iyo ergay Einar Rystad. lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga Mandaqada Geeska Afrika iyo xidhiidhka iu dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Norway .

Madaxweyne Muuse Biixi ayaana ergay dowladda Norwey ka socday faah faahin badan ka siiyay heshiiska is-afgaradka ay la galeen dowladda Itoobiya, waxa uuna xusay in heshiiskaasi uu yahay mid dan iyo faa’iido badan ugu jirta maamulkooda

Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Wakiilka Midowga Afrika Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Cabdilaahi Dhoolayare) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Axmed Abokor Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo qof oo goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dowlada oo Baaritaano kuwada ragii fuliyay Weerarkii Muqdisho iyo sida ay ku heleen…

Cabdi Cade

Dowlad dalkeeda u oggolaatay in ay soo galaan Soomaalida kasoo qaxeysa Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---