Allbanaadir.com
NEWS

Waa kuma hogaamiyaha cusub ee Xisbullah ka dib dilkii Nasrallah

Hashem Safi Al-Din, oo ah sarkaalka kaliya ee ku jiray hoggaanka fulinta ururka Xisbullah oo la sheegay inuu ka badbaaday weerarkii shalay, ayaa hadda loo badinaya inuu beddelayo Xasan Nasrallah, sida laga soo xigtay wargeyska New York Times oo dhankiisa xiganaya saraakiisha Israa’iil oo hadda u arkaya Safi al-Din inuu yahay ninka beddelaya Nasrallah.

Hashem Safi al-Din, waxay qaraabo yihiin Xasan Nasrallah, wuxuu ahaa la-taliyihiisa gaarka ah iyo nin gacan midig u ahaa oo hoggaamin jiray golaha fulinta ururka.

Xisbullah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu geeriyooday hoggaamiyihii sare ee ururka, Xasan Nasrallah.

Wax ka badan 12 saac ayay ku qaadatay ururka inuu  xaqiijiyo geerida Nasrallah saacado kaddib markii Israa’iil ay fulisay duqeynta uu ku geeriyooday Nasrallah ay soo bandhigtay howlgalka ay fuliyeen inay ku dileen Nasrallah.

 

Related posts

Ciidamo ka tirsan Danab oo tababar loo xiray, dhoolatus cajiib ahna soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Ruushka oo War lama filaan ah ka so saartay dagaalka ka socda Ukraine

Caydiid Ali

Xaalad adag oo soo wajahday Qaxootiga Siiriya ee ku nool dalka Denmark

Caydiid Ali
Taboola Ads ---