Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusamareeb kula kulmay Alper Aktas (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Dhuusamareeb.

Qoorqoor iyo safiirka dowladda Turkiga ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo waddooyinka.

Safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa ku amaanay Madaxweyne Qoorqoor horumarka uu gaarsiiyay Galmudug, waxa uuna safiirka ballanqaaday in dowladiisa mashaariicyo horumarineed ka fulin doonto deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Qooqoor ayaana uga mahadceliyay safiirka dowladda Turkiga booqashada isaga iyo wafdigiisa ku yimaadeen Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in ay rajeenayaan in Turkiga sii wadi doono taageerada ay siinayaan Galmudug , gaar ahaan masharaiicda horumarinta ee Galmudug ka socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagay Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

In ka badan 80 dal oo Soomaaliya ku jirto oo yeeshay shir ka dhan ah ISIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---