Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Madaxweyne Mustafa Akinci (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha shacabka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Maalmahanba Booqasho ku jooga dalka Cyprus ayaa la kulmay madaxda sare ee dalkaas.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isul wasaare Erhurman, iyo Ra’isul wasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaas.

Kulankoodi ayaa waxaa ay diiradda ku saareen xiriirka ka dhaxeeya Cyprus iyo Soomaaliya,iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga ka dhexeeya.

Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus, iyadoo gudoomiye Mursal ay ku wehliyaan socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -