Allbanaadir.com
NEWS

Dhibaato ay ka nasteen Shacabka Muqdisho oo hadda soo laabatay

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn uga nastay dhibaato magaalada ku hayeen ciyaalka weerada, waxaana degmooyinka caasimadda laga dareemay xasillooni iyo amni markii ay meesha ka baxeen ciyaal weerarada.

Xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir waxaa hadda mar kale kasoo ifbaxaya ciyaalkii weerarada, waxaana wel wel iyo cabsi hor leh lasoo daristay dadka degan xaafadaha mar kale lagu arkay ciyaalka reera dhibka ah ee dadka tuuryeeya .

Sida aan wararka ku heleyno xaafado katirsan degmada Kaaraan waxaa mar kale lagu arkayaa ciyaalka weerarada loo yaqaan, kuwaa oo xaafadaha dhaxdooda isku tuuryeenaya sidoo kale isku raadsanaya tooreeyo iyo baangado.

Ciyaal weeraro raxan raxan u socota oo wata dhagaxaan iyo mindiyo ayaa lagu arkay xaafado katirsan degmada Kaaraan, ciyaalkan ayaana la sheegay in guryaha dhagxaan ku tuurayaan , sidoo kale dhubaateenayaan dadka waddooyinka uga hor yimaada.

Shacabka degan xaafadaha ciyaalka weerarada kasoo cusboonaadeen ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka in tallaabo deg deg ah ka qaadaan kana hortagaan ciyaalkan, inta aysan ku faafin xaafado hor leh ayna sii kordhin dhibaatada ay geestay.

Ciyaalka weerarada oo dhibaato badan ku hayay shacabka magaalada Muqdisho ayaa mar qora la waayay, kaddib markii ay dowladda xir xirtay qaar badan oo kamid ahaa ciyaalkaasi, halka kooxda Al Shabaab iyana bilaabeen in ciyaalkaasi ay beegsadaan ayna dilaan qaar kamid ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Midowga Musharixiinta oo wada abaabulka dibed-baxii Sabtiga lagu balansanaa

Caydiid Ali

Isbuucii rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood !!

Cabdi Cade

Dowlada Congo DR oo War ka soo saaray booqashada Farmaajo ku joogo dalkaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---