Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalo maalintii labaad ka dhacay degaanka Lagta Caanoole

Ciidanka Jubbaland ayaa maalintii labaad  howlgalo culus ka wada aagga Lagta Caanoole oo dhinaca koonfureed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose.

Aaga Lagta Caanoole ayaa gabaad u ahayd xubno  ka tirsan  Al shabaab oo halkaas mka waday abaabul dagaal.

Howgalka ayaa la doonaya in lagu ciribtiro xoogaga Al shabaab ee halkaas ku sugan sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Dagaalo goos goos ah ayaa la soo sheegaya iney labada dhinac ku dhexmareen degaankaas 48kii saacadood ee la soo dhaafay kuwaasoo hub kala duwan la isku adeegsaday.

Labada dhinacba waxaa dagaaladaas ka soo gaaray khasaare nafeed inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Related posts

Madaxdii hore ee federaalka oo lagu eedeeyey iney laaluush ka qaadan jireen Shirkadaha Xajka

Caydiid Ali

Rabshado ka bilowday magaalada Diri-dhabe iyo Ciidamo badan oo magaalada soo galay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Gudoomiyaha G/Hiiraan oo u mahad celiyey Maamulka Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---