Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurad Helikobtar ah oo ku dhacday duleedka Muqdisho

Dayuurad Helikabtar ayaa la soo sheegaya iney caawa Maqribkii ku dhacday beer u dhow Xerada ciidanka ATMIS ku leeyihiin degaanka Carbiska ee degmada Afgooye.

Waxaa la soo warinayaa in dayuuradan ay saarnaayeen iyo afar qof oo wax ay ahaayeen aan la sheegin kuwaasoo  ka baxay magaalada Muqdisho ku sii socday xerada ciidanka  Balidoogle ee gobolka Shabellaha hoose oo ciidamada Mareykanku ku tababaraan ciidanka Danab.

Cilad dhanka Matoorka ah ayaa loo malaynayaa iney sababtay dhicida dayuuradan.

Dhaawacyo culus iyo kuwa fudud ayaa la soo sheegayaa iney soo gaareen afarta qof ee la socday dayuuradaha dhacday, waxaana loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Sawiro la soo qaaday lagana baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in bur bur xooggan uu soo gaaray diyaaradda dhacday ee holicabterka ahayd.

Dowlada Somalia iyo ciidamada ATMIS ayaan illaa hadad war ka soo saarin dayuuradan ku dhacday nawaaxiga degmada Afgooye.

Related posts

Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo u loolamaya kursigii Hop86 ee laga xanibay Fahad Yaasiin

Caydiid Ali

Kuuriyada Woqooyi oo ka qaaday talaabo ka nixisay Mareykanka & xulufadiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaannada labada Aqal ku matela Jubbaland oo War-murtiyeed soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---