Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo hal arrin uga mahad celisay China (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan wax ku ool ah

Waxaa looga hadlay xiriirka iyo taageerada hanaanka dib-u-dhiska dawladeed ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan dhisidda awoodaha istiraatijiyadeed ee difaaca dalka.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu ayaa ku bogaadiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarinta iyo dadaalka xoogan ee dib u xoreynta, soo celinta aminiga iyo dib u dhiska  Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda ku aaddan taageerada joogatada ah ee Soomaaliya.

Related posts

RW ku xigeenka DF oo gaaray dalka Angola iyo Xog ku aadan safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

DFS oo War kasoo saartay Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo ka socda Galgaduud

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo Baaq la xariira Banaan baxa u diray Madaxda Dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---