Allbanaadir.com
NEWS

Xamse: “Itoobiya labo jid midkood ayey rabtaa iney bad ku hesho”

RW Soomaaliya Xamse Barre ayaa maanta sheegay in ay Itoobiya doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato Badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo damacoodii MOU-ga ay la galeen Somaliland.

Xamse ayaa si xoogan u dhaliilay odayaal iyo Siyaasiin uu sheegay inay bulshada iska horkeenayaan, isagoo xusay in dalka la difaaco inay waajibka 1-aad tahay.

“Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MOU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan ahayn ma jirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yiri RW Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa maalmo ka hor sheegay inaysan Itoobiya dal madax banaan u aqoonsaneyn Soomaaliya, maadaama ay ku xad gudubtay midnimada dhuleed ee Somalia.

17-ka bishan Septembar ayay Soomaaliya mar kale Turkiga u tagaysaa la kulanka Itoobiya, iyadoo Badda dalkeena laga hadlayo.

 

Related posts

Aaska Madaxwayne Cali Mahdi Kadib Guddiga Qaran ee qabanqaabada Maxay ka sheegayn Goobta lagu aasay ?

admin

Kulankii Qoor-qoor & Deni oo goor dhow soo gebageboobay (Maxaa ka soo baxay?)+Sawirro

Caydiid Ali

Iran oo cafis u fidisay in ka badan 22,000 oo maxaabiis ah oo dowladda kasoo hor jeeday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---