Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo qorsheyneysa talaabo halis ah & digniin laga bixiyey

Israa’iil waxaa suuragal ah inay ka fuliso Lubnaan toddobaadyada ina soo aadan howlgal gaar ah oo lagu beegsanayo hoggaamiyaha ururka Xisbullah, Xasan Nasrallah, sida laga xigtay xubin ka tirsan guddiga amniga Baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, oo lagu magacaabo Nissim Fituri

Wuxuu intaa ku daray “ Hadda Sirdoonka waxay ogyihiin halka uu joogo Nasrallah, howlgalka lagu gaarayana wuxuu dhici kara saacad kasta.”

Nasrallah, wuxuu ka baaqsaday munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Iran ee ka dhacday Tehran dabayaaqadii  bishii July, taasoo saacado kaddib la dilay madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, sababo la xiriira inay Israa’iil ku raad-joogto.

Xilligan haddii lagu aadiyo dilka  Nasrulah, waa marxalad kale oo ay Israa’iil ku doonayso sii socoshada dagaalka oo hadda ku jira marxalad ku dhaweyn karta inuu xadduudaha ka gudbo.

Netanayahu iyo wasiirradiisa midigta fog ayaa hadda ku riixaya saraakiisha ammaanka in la diyaariyo weerar baaxad leh oo lagu qaado koonfurta Lubnaan, si ay halkaa Israa’iil u qabsato, xaalad ay u arkaan inay ku dejin karaan xiisadda gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato oo ay weerarro maalinle ah ka geysato Xisbullah.

 

Related posts

Kulan Arrin Muhiim ah looga hadlay oo dhax maray Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Xooga oo isbadal ku sameeyay Talisyo ciidanka xooga katirsan (Akhriso)

Cabdi Cade

Muxuu ahaa ninka Ciidanka NISA ku soo qabteen howlgal ka dhacay Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---