Allbanaadir.com
NEWS

Nin ka soo gudbay Jordan oo dilay saddex reer Israiil ah

Nin hubaysan oo ka yimid Jordan ayaa ka soo gudbay xadka dalka Jordan iyo Daanta Galbeed ee la heysto ee Falastiiniyiinta, wuxuuna toogasho ku dilay saddex Israa’iiliyiin.

Weerarkan ayaa ka dhacay buundada Boqor Xuseen ama loo yaqaano isgoyska Allenby oo ay baro koontorool ku leeyihiin ciidanka Israa’iil.

Waa weerarkii u horreeyay oo qof hubaysan uu ka soo tallaabay xadka Jordan  ay ugu suuragasho inuu dilo dad Israa’iiliyiin ah.

Booliiska Israa’iil waxay sheegeen in la dilay ninka ka dambeeyay weerarkan, balse lama soo bandhigin aqoonsigiisa iyo sharraxaad la xiriirta dhacdadan.

Falkan ayaa muujinaya bilowga xasuuqa iyo xad-gudubka Israa’iil inuu dhalin karo in laga soo tallaabo xadduudka dalalka ku dhow dhulka ay Israa’iil ku go’doomisay Falastiiniyiinta.

 

Related posts

Guddoomiye Cali Jeyte oo afhayeen cusub u Magacaabay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

70 Askar Mareykan & Israailiyiin ah oo lagu dilay Yemen

Caydiid Ali

Falastiini hubeysan oo Tel Aviv ku dilay dad Israailiyiin ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---