Masuul katirsan Wasaarada Maaliyada oo mudo isbuuc ah ku xiran Muqdisho 

Magaalada Muqdisho waxaa mudo isbuuc ah ku xiran C/shakuur Aadan Maxamuud oo katirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya gaar ahaan qeybta qandaraasyada ee Wasaarada.

Masuulkan katirsanaa Wasaarada Maaliyada ayaa lagu soo eedeeyay  arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdaba marin khilaafsan xilka xafiiskiisa, waxaana masuulkan xiray ciidamo katirsan laanta dambi baarista.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta la filayaa in lasoo taago eedeesanahan katirsan Wasaarada Maaliyada, waxaana qareenada C/shakuur Aadan Maxamuud Maxkamada u gudbiyeen codsi ku aadan in damaanad lagu sii daayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macalim Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in Maxkamada maanta u fadhiisaneyso kiiska Masuul katirsan Wasaarada Maaliyada oo arimo musuq maasuq loo heesto.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” Ayuu yiri Muuse Macalim

Dowlada Soomaaliya ayaa bilowday dagaal ka dhan ah Musuq maasuqa ay ku kacaan masuuliyiinta dowlada iyo shaqaalaha, waxaana Muqdisho hada ku xiran xubno loo heesto in ay ku kaceen Musuq maasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -