Wasiir Cawad oo Casho sharaf Adis Ababa ugu sameeyay Ciyaartoyda Qaranka (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xalay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya Casho sharaf ugu sameeyay Ciyaartoy mataleysa xulka Qaranka Soomaaliya.

Danjire Cawad ayaa Hotel kuyaala magaalada Adis Ababa casho sharaf dhiiro galin ah ugu sameeyay Ciyaartoyda da’doodu ka yartahay 23-sano jirada Qaranka Soomaaliya oo ka qeyb galaya isreeb-reebka cayaaraha olombikada Aduunka.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo la hadlay ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya iyo macalinkooda ayaa u sheegay in looga fadhiyo in magaca Soomaaliya kor u qaadaan guulna ka keenaan kulamada ay ciyaarayaan.

Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta kulan adag la ciyaari doona ciyaartoyda xulka Qaranka Itoobiya, waxa ayna Soomaaliya dadaal u galeysaa in ay u soo baxdo ciyaaraha Olombikada Aduunka oo lagu qabanayo dalka Japan 2020-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -