Allbanaadir.com
NEWS

Kim Jong-un oo soo bandhigay dayuurad Drone cusub (Sawirro)

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa goobjoog u ahaa tijaabada militariga Kuuriyada Waqooyi uu ku soo bandhigay diyaaraddii u horreysay ee nooca aan duuliyahan lahayn oo ay soo saareen, kuwaasoo ay ku jiraan diyaarad la mid ah midda uu Ruushku sameeyo ee Lancet.

Dagaallada adduunka ayaa hadda ku tiirsan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee si fudud u burburin kara difaacyada iyo kaabayaasha ciidan.

Sidoo kalena diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay dagaallada u noqdeen hannaan basaas iyo istiraatijiyadeed oo lagu helo xogaha, si fudud ay diyaaradahan ku noqdeen hubka u sarreeya ee dalalku ay kordhinayaan soo saarista iyo inay isku qalabeeyaan.

Laakin marka laga hadlayo tan Iran ayaa taariikh ku sameysay, markii ay soo saartay kuna hubaysay kooxaha ay taageerto diyaaradahan oo aan ku fadhin qiimo badan burbur xoog lehna dhalin kara, taasoo ku qasabtay inuu Ruushka u adeegsado Ukraine , si uu hoos ugu dhigo dhaqaalaha uga baxaya dagaalka.

Related posts

Rooble oo kormeeray xarumaha guddiga Doorashada iyo Amniga Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka Baladweyne: Weerarkii Al-Shabaab waa la soo afjaray

Caydiid Ali

Khasaaro ka dhashay dagaal dhax maray Ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---