Rooble oo kormeeray xarumaha guddiga Doorashada iyo Amniga Galmudug (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Max’ed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Guddiga Doorashooyinka Galmudug iyo xarunta Amniga doorashooyinka.

Rooble ayaa u ugu kuurgalay diyaargarowga howlaha doorashooyinka, isagoo warbixin ka dhageystay guddiyada doorashooyinka iyo amniga ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Max’ed Xuseen Rooble ayaa ku amaanay guddiyada doorashooyinka iyo amniga ee Galmudug sida ay ugu diyaar garoobeen gudashada Waajibaadka loo xilsaaray, wuxuuna ku booriyey iney si hufan u gutaan howlaha horyaalla.

Rooble ayaa xusay masuuliyadda hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka uu mudnaan siinayo, isagoo kula dardaarmay xubnaha guddiyada Doorashada in ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -