Caro xoogan oo ka dhalatay dil loo geestay Jemel Roberson

Booliiska dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Jemel Roberson oo ahaa nin Madow oo Waardiye ka ahaa baar ku yaalla magaalada Chicago ee dalka Mareykanka .

Jemel Roberson oo ahaa Waardiye hubeesan ayaa eryaday nin burcad hubeesan , waxaana booliiska oo goobtaasi si deg deg ah usoo gaaray durba toogteen ninkii Waardiyaha ahaa.

Dad badan ayaa ka carooday dilka booliiska u geesteen ninka Madow ee Waardiyaha ahaa, waxaana hadal heynta dhacdadan si weyn looga dareemay gudaha Mareykanka iyo baraha bulshada.

Ninka la dilay ayaa sidoo kale ahaa nin muusiga aad u yaqaan una garaaci jiray kaniisado dhoor ah, waxaa sidoo kale ninkan la dilay la sheegay in uu aad u jeclaa in uu kamid noqdo booliiska Mareykanka.

Patricia Hill oo baadari ka ah kiniisadda Purposed Hill ayaa sheegay in aad uga careesan yihiin dilka booliiska u geesteen muustikiistaha, waxa uuna sheegay in uu gacantooda booliiskii uu jeclaa in uu kamid noqdo.

Booliiska Mareykanka oo u badan Cadaan ayaa inta badan si micno dara ah u dila dadka madowga ah ee ka shakisan ,waxaana marar badan gudaha Mareykanka ka dhacay dilal loo geestay dhalinyaro Madow ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -