Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo furay Shirka hagista Xukuumadda

Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta furay Shirka Hagista Xukuumadda Hirshabeelle oo ay ka qeyb galeen golaha Wasiirrada iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaarradaha.

Ugu horreyn waxaa xilka wasiirnimo loo dhaariyay Wasiirrada Gaadiidka iyo Ganacsiga ee Hirshabelle oo uu dhawaan  xilalkaasi u magacaabay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Shirka ayaa lagu soo bandhiggay waxa u qabsoomay Wasaarad kasta iyo hiigsiga soo socda.

Madaxtooyadda Hirshabeelle oo ka duuleyso aragtida Madaxweynaha ayaa sharraxday sida shaqadda loo dardargelinayo, halka diirada la saarayo iyo qaabka loo hagaayo mashaariicda horumarineed ee taagan.

“Yoolkeenna waa in laga miro-dhaliyo wax walba oo horumar ah waa sababta maanta aan isugu imaanay Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle.” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlkaawe

Shirka Hagista Xukuumadda ee  Hirshabeelle ayaa socon doonno muddo 3-maalin, waxa ayna wasaarad kasta shirkaasi kusoo bandhigi doontaa waxyaabihii u qabsoomay iyo sidoo kale qorshayaasha kale ee u diyaarsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne kuxigeen Aabihiis Madaxweyne yahay oo Habeenkii Hotel ku jiifta 50-Kun Dollar

Cabdi Cade

Madaxweyne Afrikan ah oo istaaga ka faniinay xili uu Munaasabad ka qeyb galayay

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay arrimaha shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---