Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay arrimaha shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFD, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla salem alnuaimi .

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan Wasaaradda iyo Dawladda Qatar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka uga xog-waramay dedaallada ay Wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta barashada xirfadaha  bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Safiirka ayaa isaguna dhankiisa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo, waxa uuna ballan-qaaday in ay Soomaaliya ka taageerayaan shaqo-abuurka iyo gacan siinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFD, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa uga mahad naqay Safiirka soo dhaweynta quruxda badan, waxa uuna ballan-qaaday in ay sii xoojinayaan xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -