Allbanaadir.com
NEWS

Askari ka tirsan Xamaas oo dilay maxbuus Israeli ah, qaar kalena..

Mid ka mid ah maxaabiista Israa’iiliyiinta ee gacanta ugu jira Xamaas ayaa la dilay labo kale oo dumar ahna way dhaawacmeen ka dib markii uu rasaas ku furay mid ka mid ah ciidanka Xamaas ee ilaalinayay maxaabiistan.

Waxaa socda dadaallo lagu badbaadinayo labada dumarka ah oo la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaray, sida uu goor dhow sheegay afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas, Abu Cubayda oo intaa ku daray in guddi gaar ah dhacdadan loo soo saaray.

Waa markii u horreysay oo mid ka mid ah ciidanka ilaalada maxaabiista Xamaas uu dilo maxbuus Israa’iili ah, sida laga arkay hadalka Cubayda oo dhacdan mas’uuliyadeeda dusha u saaray Israa’iil oo uu sheegay inay xasuuq geysanayso, isla markaana hortaagan tahay heshiisyada lagu sii deynayo maxaabiista.

Waxay u muuqata in maxbuuska uu u dhintay carada ka dhalatay weerarrada ay geysanayso Israa’iil, tan oo walaac horleh ku beeraysa qoysaska Israa’iiliyiinta oo hadda arkaya xaalad ah in duqeymaha haddii ay ka badbaadaan maxaabiista ay la kulmi karaan carada ciidanka ilaalinaya ee Xamaas.

Related posts

Akhriso: 20 Qodob oo laga soo saaray shirkii Ururka Islaamka ee Muqdisho lagu soo xiray

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay in ciidamada huwanta ah kaabiya ku hayaan Deegaanka …

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad u jeediyey ardayda Jaamacadaha Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---