Madaxweyne Biixi oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah Wasiiradiisa (Akhriso Magacyada)

Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa isku shaandheyn loogu sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiirada.

Wasiirada isku shaandheynta saameesay waxaa kamid ah Wasiirkii Arimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo laga wareejiyay Wasaarada Arimaha dibadda, waxaana Sacad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Halkan ka Akhriso Wareegtada isku shaandheynta Golaha Wasiirada Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidaan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

  1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

5.Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

7.Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -