Itoobiya oo Dhaqaatiir Adeegyo Caafimaad fulinaysa usoo direysa Soomaaliya

Jaamacadda Baahir Dar ee dalka Itoobiya waxaa maanta ka qalin jabiyay 172 dhaqtar oo u badnaa Itoobiyaan, waxaana munaasabada qalin jabintooda ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Eritrea.

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo khudbad u jeediyay Dhaqaatiirta Jaamacada ka qalin jabisay ayaa aad ugu bogaadiyay dadaalkii ay soo sameeyeen intii ay waxbarashada ku jireen, waxa uuna ugu baaqay in dadkooda iyo dalkooda si daacadnimo ugu adeegaan.

Abiy Ahmed ayaa Dhaqaatiirta maanta qalin jabisay sidoo kale ugu baaqay in adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah kasoo fuliyaan Wadamada Soomaaliya iyo Eritrea, waxa uuna xusay in talaabadaasi xoojineyso is dhax galka bulshada sadexda dal.

Wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya waxay sheegtay iney diyaarineyso qorshihi u sahli lahaa dhakhaatiirta maanta ka qelin jebisay jaamacadda Bahir Dar sidi ay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah ay uga soo bixin lahyeen Soomaaliya iyo Eretrea.

Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sameenaya iskaashi dhinacyo kala duwan ah, waxaana Hogaamiyaasha sadexda wadan shir lagu xoojinayay xiriirka labada wadan ku yeesheen Dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -