Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa maanta weerar gaadmo ah waxa ay ku dileen askar katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo marayay agagaarka halka loo yaqaan Weydoow oo kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo hubeesan rasaas ku fureen gaari yar ay wateen labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada, waxaana goobtaasi ku geeriyooday labada askari ee la weeraray.

Sida aan wararka ku helnay askarta la dilay ayaa lagu hor jaray gaari nuuca raaxada waxaa kadib lagu furay rasaas xoogan , waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii hubeesnaa ee weerarka geestay.

Duleedka magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya falal amaan daro oo sababay in lagu dilo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya iyo waliba dad shacab ah, mana jiro wax talaabo ah ay qaadeen laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo ka hadlay kulankii dhax maray Qoor Qoor iyo Xaaf

Cabdi Cade

WHO oo ku dhawaaqday in Yurub ay noqotay xuddunta xanuunka Coronavirus

Caydiid Ali

Mareykanka oo ciidamo hor leh u diraya Bariga Dhaxe kaddib xaalad soo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---