Dhameystirka Qorshaha Diiwaan galinta Ciidamada Milatariga oo laga wada hadlay

Waxaa saakay magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xassan Cali Maxamed.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga wada hadlay  dhameystirka qorshaha Diiwaan galinta (paymetric) Ciidamada Xoogga Dalka iyo sidii loo dhameestiri lahaa hirgalinta qorshahan oo mudo soo socday.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu kala hadlay Wasiirka Gaashaandhiga arimo dhoor ah ay kamid ahaayeen amaanka iyo sidoo kale qorshaha diiwaan galinta ciidanka si ay mushaarkooda si toos ah ugu qaataan hab sax ah.

“Saakay waxa aan xafiiskayga kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed oo aan ka wada hadalnay horumarka maamulka maaliyadda iyo amaanka Dalkeena iyo dhameystirka qorshaha paymetric, Dhamaan waa in aan ka wada tashanaa sidii aan u wada dhisan lahayn Dalkeena” ayuu yiri Dr Bayle.

Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday diiwaan galinta ciidanka Xooga Soomaaliyeed si ay mushaarkooda ugu qaataan Account xisaabeedkooda gaarka ah halka markii hore gacan lagu siin jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -