Madaxweynihii hore ee Nigeria oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Olusegun Obasanjo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey

Waxaa garoonka dayuuradaha Cigaal ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa C/raxmaan Seylici ayaa ku qaabilay madaxtooyada hargeysa wafdiga madaxweyne Mr Olusegun Obasanjo.

Sidoo kale, wafdigan ayaa la filayaa iney yimaadaan magaalada Muqdisho caasimada Somalia, iyagoo kulamo la qaadan doona madaxda dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -