Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xooggan oo ka dhacay Xeebta Liido iyo Rasaas la maqlayo

Qarax xooggan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhaw ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kaddib la maqlayaa rasaas xooggan oon la ogeyn ilaa hadda cida ay u dhaxeyso.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa xooggan uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayad kutaalla xeebta Liido, waxaana goobjoogayaal sheegayaan in dabley hubeysan ay galeen maqaayado kuyaalla xeebta Liido oo ay dad badan joogeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay qaraxa ka dhacay xeebta Liido, waxaana aagaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg degga ee loo yaqaan ambalaasta, kuwaa oo daabulaya dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan weerarka la sheegay in ay kooxo hubeysan ku galeen maqaayado kuyaalla xeebta Liido ee Muqdisho.

Waxii warar soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Related posts

Cumar Finish oo la kulmay Siyaasiyiin ku mashquulsan raadinta Maqaamka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay khilaaf ka dhex aloosan Xiriirka K/Cagta

Caydiid Ali

Kumanaan askari oo kamid noqonaya Milatariga Soomaaliya oo Uganda Tababar loogu soo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---