Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil ciidan ka socday dal Daris la ah Soomaaliya oo Muqdisho yimid

Wafdi ka socda taliska guud ee ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo S/Guuto Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil, qeybna ka yihiin madaxa howlgelinta ciidanka Jabuuti iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Ibaahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigaan ku soo dhaweeyay xarunta taliska ciidanka xoogga dalka, waxaana soo dhaweynta goobjoog ka ahaa qaar ka mid hoggaanada Ciidanka XDS.

Ujeedka booqashada saraakiisha ka socota wadanka jabuuti ayaa ah in sare loo qaado iskaashiga labada ciidan iyo sare u qaadida wada shaqeynta iyo howlaha la xariira ciidamada Hiil Walaal ee dowladda Jabuuti ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dowladda jabuuti ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan la dagaalanka kooaha Argagixisada iyo sida ay u garab taaganyihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Niger oo ka baxday heshiis ay la gashay ciidanka Mareykanka ee jooga dalkaas

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo lacago kusoo rogay Jaamacadaha iyo Wasaarad arintaasi kahor timid

Cabdi Cade

Tiktoker Dhaqtar iska dhigi jiray oo la xiray isaga oo ku sugan Isbitaal weyn !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---