Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha Xisbullah: “Israel qadka cas ayey ka gudubtay”

Hogaamiyaha Xisbullaahi, Xasan Nasrallah ayaa sheegay inay Marxalad cusub galeen kooxaha Iiraan taageerto kadib weeraradii looga dilay xubno muhiim ahaa.

Xasan Nasrallah ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay qadka cas ayna ka dhaxli doonto musiibo daran dhamaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaaday.

“Israa’iiliyiintu ma garanayaan khadadka cas ee ay ka gudbeen, waa inay sugaan aargoosi iyo iney ka qoomameeyaan falalka ay ku kaceen” ayuu yiri

Diyaaradaha caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa dalalka galbeedka ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Israa’iil.

Ururka Xisbullah ayaa shaaciyay in aaska hoggaamiyahooda sare Fu’aad Shukr, berri lagu qaban doono magaalada Beirut oo duqeyn ka dhacday lagu dilay, waxaana la geeriyooday sarkaal ka tirsan ilaalada kacaanka Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran , Ayatollah Khamenei  ayaa amar ku bixiyay weerar toos ah oo lagu qaado Israa’iil, si looga jawaabo dilka hoggaamiyaha Xamaas, Haniyeh oo ka dhacay Tehran.

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo booqday Taliska ciidanka Booliska, kuna dhawaaqay..

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Moroko oo kala saxiixday Sadex Heshiis oo afgarad ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qorshihii Horumarinta Qaranka oo qarka u saaran in uu Bur buro iyo sababta ka dambeysa.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---