Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Ismaaciil Haniya oo dal Carbeed loo qaadayo iyo Janaaso maanta…

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in salaada Janaasada magaalada Tehran lagula dukado meydka Allaha u Naxariistee hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, oo habeen hore lagu dilay weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha magaalada Tehran ee caasimadda Iran.

Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah oo maanta lagu dukan doono meydka Haniya , waxaana salaada Janaasada la filayaa in ay kasoo qeyb galaan madax katirsan dowladda Iran iyo dadweyne ka murugeysan dilka Haniya.

Meydka hoggaamiyihii siyaasadda ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, ayaa marka Janaasada lagu dukado kaddib lagu wadaa in loo qaado magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar , halkaas oo la filayo in lagu aaso meydka marxuumka.

Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa inta aan la delin kahor deganaa muddo sannado ah dalka Qatar uu ka heestay magangelyo, waxaana hoggaamiyahan lagu dilay magaalada Tehran uu u tagay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Iran.

Dilka hoggaamiyaha Xamaas ayaana abuuray cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo Bariga Dhaxe, dowladda Iran ayaana ku hanjabtay in jawaab kulul ka bixin doonto weerarka Isra’iil ka fulisay gudaha dalkeeda kuna dishay hoggaamiyaha Xamaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dab xoog leh oo qabsaday kaalin shidaal oo Muqdisho ku taalla (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Isbitaalka Kalkaal oo Qiimo Dhimis Balaaran u sameesay Bulshada Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo War cad ka soo saartay heshiiskii lagu qeybsaday dekeda Berbera (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---