Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal laga sameeyay Boosaaso oo lagu qabtay hub badan oo sharcidaro ah uu lahaa…

Laamaha Amniga Puntland oo xalay hawlgal ciidan ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay hubkii ugu badnaa iyo agab millatari oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen hubkii ugu badnaa oo sifo sharci-darro ah lagu soo geliyay dalka kadib hawl uu ciidanku ka sameeyay guri ku yaalla xaafad ka tirsan Boosaaso.

Waxay sheegeen in ciidamada Amniga Boosaaso u daateen guriga islamarkaana ka soo saareen hub fara badan oo ka kooban yar yar iyo waaweyn oo halkaasi lagu qarinayay iyo sidoo kale rasaas iyo tuutaha ciidamada.

Waxay sheegeen in soo qabashada hubkaasi ay sahashay kadib markii gacanta lagu soo dhigay shakhsi ku eedaysan kala safrinta hubka sharci-darrada ah kaasi oo dhawaan lagu qabtay Boosaaso.

Related posts

DF oo soo saartay liiska goobaha laga heli karo Talaalka ka hortaga COVID-19

Caydiid Ali

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaalla Degmada Afgooye

Cabdi Cade
Taboola Ads ---