Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaalla Degmada Afgooye

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay xilli dambe weerar culus waxa ay ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya kaga sugnaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada dowladda ee la weeraray iyo kuwa Al Shabaab ayaa waxaa dhax maray dagaal daqiiqado kooban socday oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka cabsi badan ku beeray dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay saldhiga ciidanka dowladda ku leeyihiin buundada yar ee degmada Afgooye, waxaana markii dambe istaagay dagaalka kadib markii Al Shabaab dib ugu laabteen halkii ay kasoo duullaan tageen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wararku sheegayaan in dagaalka ka dhashay, mana jiro wax faah faahin oo ah oo dagaalka ka bixiyeen taliska ciidanka dowladda iyo maamulka degmada Afgooye.

Xaalada degmada Afgooye gaar ahaan aagii xalay dagaalka ka dhacay ayaa saakay degan, ciidamada dowladda ayaana saakay sameeyay howlgalo ay ku daba kaceen dagaalyahanadii xalay weerarka kusoo qaaday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa sababay in uu baaqdo Shirkii Muqdisho ee maanta & Xildhibaan weerar ku qaaday hab dhaqanka Villa Somalia !!

admin

Xoghayaha A/dibeda Mareykanka oo booqday goobaha dhulgariirka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Wadamada Afrika u dalbay lacag gaareysa $150 bilyan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---