Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo si kulul ugu jawaabay odayaasha beesha Murusade

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland C/ladhiif Muuse Sanyare ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray Odayaal ka soo jeeda degmada dayniile ee magaalada Muqdisho ah.

Oayaashan ayaa dhaliilay garsoorka Puntland iyo xukunka dilka ah ee Maxkamad ku taalla Puntland ku riday rag kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Al-shabaab, dilal iyo qaraxyana ka geysteen Koonfurta Gaalkacyo.

Sanyare ayaa weydiiyey odayaasha halka ay ku ogaayeen raggaasi, markii ilaa sanadkii 2012 Gaalkacyo la keenayey ee Hiliblayaasha laga dhigay, loona dhiibay Bistooladaha ay dadka ku leynayeen sida uu yiri.

“Qolyo ayaa Xamar ka lahaa wiilal baa nalaga maxkamadeeyay.. Wiilasha xagee ku ogeyd, marka hore maad ceshatid..?. xagee ku ogeydeen ilaa 2012-dii” ayuu yiri Guddoomiyaha Mudug oo si cad u sheegay inaysan jirin qof Al-shabaab ah oo la sii deynayo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland C/ladhiif Muuse Sanyare ayaa intaas ku daray in wax kastoo dhaca aan la cafineynin qof dil geystay oo ka tirsan koox argagaxiso ah sida uu yiri.

“Cid Alle ciddii uu yahay haddii aan ku helno Shabaab inuu yahay sharcigaa la marinayaa, Dembiile Shabaab ah oo wax dilay intaan qabanno, qabiil u sii deyn meyno, ama ha qeyliyaan ama ha oriyaan ama boqol qof ha dilaan” ayuu intaas ku daray Sanyare.

Sanyare ayaa kula taliyey odayaasha hadlay inaysan isku dayin inay arrinta u bedelaan qabiil, isagoo tilmaamay in raggan la xukumay dadka ay horey u dileen ay ku jiraan qaar ehelo ah odayaasha u doodaya, arrintaas uu xusay iney nasiib daro tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -