Qarax lagu aasay meel ku dhaw Masaajid kuyaala Muqdisho oo la fashiliyay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska iyo kuwa Nabad sugida Soomaaliya oo wada jira ayaa la sheegay in ay fashiliyeen qarax lagu aasay kasoo horjeedka Masaajid kuyaala xaafada KPP ee degmada Hodan.

Qoraal kasoo baxay Hay’ada NISA ayaa lagu sheegay in ay ku guuleesteen fashilinta qaraxa la doonayay in dad shacab ah lagu dhibaateeyo, waxaana Qoraalka NISA lagu sheegay in qaraxa lagu aasay kasoo horjeedka Masjid kuyaala xaafada KPP.

”Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn kahelay bulshada ayaa markii labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo qarxa, oo ay dhagarqabayaal ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan.” ayaa lagu iri Qoraalka NISA.

Hay’ada NISA ayaa sidoo kale todobaadkan sheegtay in ay fashiliyeen ciidanka amaanka qarax kale oo lagu aasay wado kutaala degmada Hiliwaa, waxa ayna NISA sheegtay in shacabka gacan ka geesteen fashilinta qaraxyadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -