Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii guud ee booliiska Kenya oo is casilay

Taliyaha guud ee ciidanka  booliska dalka Kenya Japhet Koome, ayaa is casilay, kaddib markii dalkaasi ay dhawaan ka dhaceen rabshado xooggan oo dowladda looga soo horjeeday, kaa oo sababay in booliiska dad badan dilaan.

Generaal Japhet Koome ayaa warqada is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweyne William Ruto oo isna ka aqbalay, waxa ayna is casilaadiisa u muuqataa mid xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka Kenya.

Madaxweyne William Ruto ayaa shalay kala diray golihiisa wasiirrada marka laga reebo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi, waxa ayna kala dirista xukuumadda u muuqataa mid uu cadaadiska isaga dejinayo Madaxweynaha Kenya.

Dalka Kenya waxaa ka dhacay khalalaase xooggan oo looga soo horjeeday hindise dowladda canhuurta ku kordhineysay, waxaana dibadbaxyo dadka dhigeen ugu dambeyn dowladda lagu qasbay in ay ka laabato qorshihii canshuur kordhinta.

Booliiska dalka Kenya ayaa dad badan oo shacab ah dilay in ay socdeen dibadbacyada , waxaana taliyaha booliiska lagu eedeeyay in uu amray in shacabka dhigayya dibadbaxyada rasaas ku furaan ciidanka booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Jiis iyo 50 kale oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte

Caydiid Ali

Rasaastii Ciidamada Dowlada ku fureen taliyihii hore ee NISA oo si kulul loo cambaareeyay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Dhaawacyada la dhigay Isbitaalada Muqdisho & Masuuliyiin booqatay

admin
Taboola Ads ---