Allbanaadir.com
NEWS

Ruto oo ku dhawaaqay qorshe kale uu xal ku raadinayo

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Jimcihii soo jeediyay kharash dhimis iyo deyn dheeraad ah, si xukuumaddiisa ay u kabto dal-daloolka miisaaaniyeed ee ay wajaheyso, kaddib marki ay dowladda ka laabatay 2.7 bilyan oo dollar oo ay canshuur ahaan ugu krodhi rabtay shacabka.

Ka laabashada qorshaha canshuur kordhinta qaranka ayaa yimid kaddib todobaadyo dibadbaxyo rabshado watay oo ay hogaamiyeen dhalinyarada Kenya, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 39 qof, tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Khudbad uu ka jeediyay telafishanka ayuu Rutoku sheegay in uu weydiisan doono baaralammaanka kharash dhimsi dhan 177 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($1.39 bilyan) miisaaniyad sannadeedkan oo billaabmaya bishan July. Wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay kordhin doonto lacagaha amaahda, isla markaana ay soo deynsan doonaan 169 bilyan oo shilin.

Bannaanbaxyadi Kenya ka dhacay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ayaa ahaa kuwi ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki uu madaxweyne Ruto talada waddanka la wareegay ku dhawaad muddo laba sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Abaabul dagaal oo socda iyo Amniga Magaalada Boosaaso oo laga deyranayo

admin

(Daawo Sawirro) Qoorqoor oo la ciiday shacabka Dhuusamareeb, hal arrina ka digay

Caydiid Ali

Baarlamanka Galmudug oo Maanta dhageysanaya khudbadaha Musharixiinta Guddoonka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---