Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo deg deg ula kulmay Masuuliyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Awdal

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah masuuliyiinta,salaadiinta, cuqaasha iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaa uu kala hadlay arrimo kala duwan.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud iyo difaaca maamulka Somaliland, meelna looga soo wada jeedo wixii jiritaankooda wax u dhimaya.

Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa sidoo kale looga wada hadlay jabhad la sheegay in ay kasoo jeedo gobolka Awdal oo lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti, kuwaa oo kasoo horjeeda heshiiskii Itoobiya lagu siiyay Dekad kutaalla gobolka Awdal.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa horey u diiday heshjiiskii Muuse Biixi la galay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxa ayna caddeeyeen in aysan marnaba aqbali doonin in Itoobiyaan lagu wareejiyo xeebahooda.

Madaxweynaha Somaliland ayaana ka walaacsan rag katirsan Jabhad looga dhawaaqay Awdal, kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda jiritaanka Muuse Biixi iyo heshiiskii uu la galay dowladda Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo abaabul dagaal u tagay degmo katirsan gobolka Bakool (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo liiska argagaxisada ka saaray saddex nin oo walaalo ah

Cabdi Cade

Degmooyin ka tirsan dalka oo la gaarsiiyay qalabka & Sheybaarka COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---