Ciidamada booliiska oo howlgal gaar ah ka fuliyay guri kuyaala Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay guri kuyaala Xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley , waxa ayna ciidamada howlgalkan kusoo xir xireen rag iyo Dumar.

Guriga ay ciidamada booliiska Soomaaliya howlgalka ka sameeyeen ayaa la sheegay in uu ahaa bartilmaameed, waxaana gurigaasi lagu sameyn jiray waxyaabaha maanka dooriya sida calaqa iyo xashiishka.

Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday waxa ay gurigaasi kasoo xireen rag iyo dumar sameenayay waxyaabha maanka dooriya, waxa ay sidoo kale ciidamada soo qabteen jiirigaano ay calaq ka buuxeen iyo xashiish badan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidamada booliiska howlgal ay ka sameeyeen Muqdisho kusoo qabteen rag iyo dumar ku howlanaa sameynta waxyaabaha maanka dooriya.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada sii wadi doonaan howlgalada lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya uu sheegay in halis ku yihiin mustaqbalka dhalinta soo koreysa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kuyaala guryo badan oo lagu sameeyo waxyaabaha maanka dooriya sida calaqa, waxaa sidoo kale goobahaasi laga helaa xashiishka iyo waxyaabo kale oo maanka dadka isticmaala doorinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -