Allbanaadir.com
NEWS

Walaac xooggan oo lasoo darsay Itoobiyaanka ku sgan magaalada Garawe iyo raaf laga…

Maamulka magaalada Garawe ee caasimadda Puntland ayaa dhawaan amar ku bixiyay in magaalada isaga baxaan muwaadiniinta Itoobiyaanka ah, gaar ahaan kuwa  sida sharcidarada ah ku jooga magaaladaasi.

Duqa magaalada Garawe ayaana ku amray in Itoobiyaanka ku sugan magaalada isaga baxaan, waxa uuna ku hanjabay cidii amarkiisa dhagaha ka fureesata in magaalada laga saari doono iyaga oo gacmaha ka xir xiran.

Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garawe ayaana walaac xooggan ka muujiyay amarkan magaalada looga saarayo, waxa ayna sheegeen Itoobiyaanka qaar ee magaalada jooga yihiin labpo nuuc kuwa waqti badan joogay magaalada iyo kuwa hadda yimid.

Qaar kamid ah dadka Itoobiyaanka ah ee ganacsiyada ku leh magaalada ayaana ka codsaday maamulka in ay kala saaraan dadka, waxa ayna sheegeen in muhiim tahay in la xushmeeyo kuwa ganacsiyada leh, lagana saaro magaalka kuwa tuugsada ee hadda yimid.

Itoobiyaanka magaalada Garawe jooga ayaa isugu jir kuwa magaaladaasi sannado joogay oo ganacsiyo kala duwan ka sameestay, iyo kuwa cusub oo dhawaanahan gaaray, kuwaa oo u badan kuwa darawsada iyo kuwa shaqooyin hoosa qabta.

Deegaannada maamulka Puntland ayaana muddooyinkii dambe waxaa kusoo qul qulayay muwaadiniin Itoobiyaan ah oo u badan kuwa kasoo jeeda qowmiyada Oromada, waxaana qul qulka Itoobiyaanka walaac ka muujiyay dadka reer Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin Soomaali ah ay ku jirto Ilhan Cumar oo kusoo baxay doorashadii Xisbiga Dimuqraadiga

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Midowga Yurub ku lug leeyahay tacadiyada loo geysto tahriibayaasha Liibiya ku sugan?

Caydiid Ali

Kumuu ahaa Gen. C/llaahi X. Maxamed Ceynte oo ku geeriyooday dalka Turkiga ?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---