Al-Shabaab oo si kulul u beenisay War ka baxay Warbaahinta dowlada Somalia

Xarakada Al-shabaab ayaa si kulul u beenisay war ay faafisay warbaahinta dowlada oo ku saabsanaa duqeyn ka dhacday degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada hoose.

Dowlada ayaa baahisay  war sheegaya in dayuurado dagaal ay duqeyn ka geysteen xalay degaanka Kamsuuma taasoo ay sheegtay in lagu dilay ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray nin magaciisa lagu sheegay Suheyb oo ahaa gudoomiye cusub oo Al-shabaab ay u magacowday gobolka Banaadir, iyadoo warkan ay saacadihii ugu dambeeyey ay si xoog leh u xigteen warbaahinta gudaha.

“Waa mid aan sal iyo raad laheyn Warka ku saabsan in duqeyn dad lagu dilay ay ka dhacday degmada Kamsuuma ee Jubbada Hoose kaasoo ay faafiyeen warbaahinta Afka dowladda Farmaajo iyo AMISOM ku hadasha, Ma jiraan wax duqeyn ah oo ka dhacday magaalada Kamsuuma oo dadkeedu ay ku naaloonayaan ammaan iyo kala dambeyn, wararka ay idaacadaha afka cadowga ku hadla faafiyeen waa dacaayad raqiis ah oo xaqiiqda ka fog” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta taageerta kooxda Al-shabaab.

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac Illaa hadda ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya duqeynta la sheegay iney ka dhacday degaanka Kamsuuma.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -