Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo lagu soo dhoweeyey Koonfurta Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxa xukuumadda maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ooe hoggaamiya Garabka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku qasbanaaday inay tagaan magaalada Gaalkacyo si ay ula kulmaan Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya.

Xaaf iyo Sheekh Axmed Shaakir ayaa safar cirka ah ku tegay magaalada Gaalkacyo halkaasoo loo wareejiyey inuu ka dhaco kulanka wakiilka cusub ee Q/Midoobay Nicholas Haysom iyo madaxdan, kadib markii magaalada Cadaado lagu hor istaagay Gaadiid aanay rasaastu karin iyo xubno amni hordhac ah oo UN-ku u diray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga wakiilada Q/Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa lagu waday inay Isniinta tagaan Magaalada Dhusamareb, laakiin qorshahaasi ayaa socon waayey markii Gaadiidkii UN-ka laga celiyey shalay Kontarolka Waqooyi ee magaalada Cadaado, Gaadiidkaas waxaa laga diray magaalada Gaalkacyo, laguna waday inay adeegsadaan madaxda UN-ka.

Dayuurada siday qalabkan oo ah kuwa xamuulka qaada ayaa awoodi weysay iney ka degto magaalada Dhuusamareeb, waxaana laga dejiyey Gaalkacyo si Safar dhinaca dhulka ah loogu gaarsiiyo Dhuusamareeb balse talaabadaas ay shaqeyn weysay maadaama Cadaado ay ku taallo jidka xiriiriya Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb oo ay kala fadhiyaan garabyada Galmudug ayaa isku soo rogay cunaqabteyn dhinac walba leh.

Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa lagu wadaa inay magaalada Gaalkacyo kula kulmaan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom oo maanta gaaray magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -