Allbanaadir.com
NEWS

Qorshaha istiraatiijiyadda ee Hay’adda Socdaalka ee 5ta sanno soo socota oo la Daah-furay

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa daah furay qorshaha istiraatiijiyadda hay’adda ee 5-ta sano ee soo socota.

Agaasimaha oo ka hadlay munaasabadda daah furka ayaa uga mahad celiyay dhammaan madaxda iyo qaybaha kala duwan ee HSJ iyo bahwadaagta hey’adda, sida mugga leh oo ay uga qayb qaateen dhammeystirka diyaarinta qorshahan.

Agaasimaha ayaana goobta uga dhawaaqay in la dhaqan gelin doono istirastiijiyaddan, loona isticmaali doono hagidda dhammaan howlaha horumarinta iyo adeeg bixinta ee HSJ, si la jaanqaadaysa halbeegga caalamiga ah.

Istiraatiijiyadda la daah furay waxa ay HSJ adeegsan doontaa muddo 5 sano ah oo ka billabata 2024. Diyaarinta istiraatiijiyadda ayaa qaadatay muddo ku dhaw 5 billood, mudadaas oo diyaarintu soo martay heerar kala duwan sida kulamo wadatashi ahaa, talo gelin lala yeeshay madaxda iyo qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay HSJ, kulamadaas ayaa ka kala dhacay xarumaha laamaha iyo Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Sheekada Farmaajo ayaa guri Shacabka uga dhisayaan magaalada Muqdisho !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta Daah-furay mashruuc muhiim ah

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---