Sheekada Farmaajo ayaa guri Shacabka uga dhisayaan magaalada Muqdisho !!

Maalmihii lasoo dhaafay kooxda Nabad iyo Nolol ee looga adkaaday doorashadii Madaxweynaha  ayaa bilaabay sheekooyin layaab leh oo ay ku jahwareerinayaan shacabka, si Madaxweynaha laga guuleestay uga dhigaan mid ceeb ka saliim ah.

Farmaajo oo la aaminsan yahay in Madaxweyne ku noqday lacago laaluush ah oo la siiyay Xildhibaanada sidoo kale intii uu talada dalka hayay lacago badan oo laaluush ah ku bixiyay doorashooyin ka dhacay maamul goboleedyada iyo arrimo kale aan masiiri aheyn.

Kooxda Nabad iyo Nolol ayaa la timid fikrad cusub ay shacabka ku maaweelinayaan si ay Madaxweyne Farmaajo uga dhigaan mid aan hanti heysan oon wax dhaqaale ah sameyn intii uu talada dalka hayay.

Waxa ayna kaadiriinta Nabad iyo Nolol alifeen qorshe ah in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa taageersan Farmaajo loo bandhigo qorshaha in lacago iska soo aruuriyaan si Madaxweynaha loogu dhiso guri uu kunoolaado oo dhismihiisa lacag badan ku baxeyso .

Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeesan yahay in doorashadii looga adkaaday ku qarash gareeyay malaayiin dollar sidoo kale hada heesto malaayiin dollar oo kaash u badan, halka sidoo kale hanti kale oo badan tacbaday intii uu xilka hayay.

Qorshahan lacagta loogu arruurinayo Farmaajo oo ah mid la alifay ayaa ah mid laga dhigayo in Madaxweynaha uusan wax guri ah ka dhisan hantida dadweynaha sidoo kale uusan wax laaluush ah sameyn intii uu xukunka hayay.

Shacabka Soomaaliyeed qaar badan oo kamid ah oo faalooyin ka bixiyay qorshahan ayaa iska diiday, waxa ayna sheekadan guri shacabka ugu dhisayaan Farmaajo ku tilmaameen ruwaayad shacabka lagu marin habaabinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -