Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sargaal la dhashay Sheekh Kaba kudukade oo loo magacaabay Taliyaha saldhiga Kaaraan

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Taliyihii hore ee ciidanka booliiska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana saldhigaasi loo magacaabay taliye cusub .

Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Degmada Kaaraan Canjeex ayaa la sheegay iyo uu ka biyo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana arintaasi dhalisay xiisad maalmahan soo jiitameysay.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay Cabdi Sheekh Ciise Axmed (Cabdi Kumi) sargaalkan ayaa la sheegay in uu la dhashay Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade.

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe waday isbadalo badan oo lagu sameenayay taliyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana xilka laga qaaday taliyaal dhoor ah oo waxqabad la’aan lagu eedeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Al-Shabaab oo askar badan ku leysay qarax ka dhacay gudaha Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Afrikan ah oo ka hadlay Sixir saameyn ku yeeshay Ciyaartoyda Qarankiisa

Cabdi Cade

Taliska Milatariga qeybta 60aad oo amar lagu siiyay in ay bilaabaan Dagaal ka dhan ah …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---