Allbanaadir.com
NEWS

Ku dhowaad 40 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku yaalla Mangaf (Sawirro)

Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay dhismo deegaan ahaa magaalada Mangaf ee dalka Kuwait sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Muuqaal fiidiyow ah oo baraha bulshada lagu wadaagay ayaa lagu arkayay dab qabsaday dhismo dheer iyo qiiq madow oo ka soo baxay dabaqa ugu sareeya.

Ugu yaraan 15 kale oo dhaawac ah ayaa loo qaaday isbitaalka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Inta badan dadka wax noqday ayaa ahaa shisheeye dalka ka shaqeynayay oo halkaas ku noolaa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Sheikh Fahad Yusuf al-Sabah, oo booqday goobta ayaa ku eedeeyay milkiilayaasha guriga in ay qeynuunada jibiyeen oo ay wax badan doonayeen sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in dhismaha uu ahaa mid aad looga buuxay. Sida uu sheegay taliyaha booliska dad badan ayaa joogay dhismaha markii uu dabka qabsaday.

Related posts

Baarlamanka Somalia iyo dhigiisa Midowga Yurub oo afar qodob ku heshiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Afwerki oo arimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Cafis loo fidiyay Odayaal iyo siyaasi Dhawaan Xukun lagu riday (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---