Mid kamid ah Wariyaasha Muqdisho howlgala oo xalay geeriyooday

Allaha u naxariisee waxaa xalay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday  Wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye oo kamid ahaa Wariyaasha ka howlgala Warbaahinta Muqdisho.

Ehelada Wariye Qoslaaye ayaa sheegay in uu kusoo booday xanuun deg deg ah kaa oo sababay geeridiisa, waxa uuna Wariyaha ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer xili dhaqaatiirka ay ka tacaalayeen xaaladiisa caafimaad.

 

Wariye C/risaaq aadan Qoslaaye ayaa kamid ahaa Wariyaasha caanka ah , waxa uuna hada ka shaqeenayay Telefishinka Kalsan uu wakiil wareed uga ahaa Muqdisho, waxa uu sidoo kale horey uga soo shaqeeyay Warbaahino ay Idaacada Shabelle kamid aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -