Galmudug oo ka digtay abaabulka ay wadaan Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir (Akhriso)

Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna sida Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir inay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Degaanka Huurshe.

War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska ayaa sidoo kale faray saraakiisha Ciidamada ee Huurshe ku sugan inay xeryahooda dib ugu laabtaan oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyadoo  qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay ineysan gacan siinin abaabulka dagaal ee Ahlu sunna

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Dhinaca kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamey Xananbuure inay colaadaasi ku badalaan nabad iyo wada xaajood.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -