Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Arnaud Suguet

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar Shaqo ku Jooga Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda France u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Amp Arnaud Suguet.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Arnaud Suguet ayaa kulankooda kaga wada hadlay taageerida mashaariicda hormarineed ee socda, amaanka guud deegannada Koonfur Galbeed iyo wax ka qabashada is beddelka cimilada oo dalkeena saamayn ay ku Yeelatay.

Laftagareen oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa wada kulamo uu la qaadanayo safiirro iyo wakiillo katirsan beesha caalamka , kuwaa uu kala hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan kuwa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa safarro ku taga magaalada Nairobi, halkaas uu kulamo kula qaataan wakiillo katirsan beesha caalamka , safiirro iyo madax kale , kuwaa ay kala hadlaan xaaladaha maamuladooda ka jira.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog: Wada-hadal nuucee ah ayaa u furmay Daacish iyo ganacsatada Suuqaha Bakaaraha ?

Cabdi Cade

Mucaaradka Puntland oo War Murtiyeed culus ka soo saaray shirkii Garowe (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Tababar usoo Xiray Saraakiil Milatari (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---