Allbanaadir.com
NEWS

Sharci saameyn ku yeelanaya Shirkadaha dalka oo Maanta Baarlamaanka la horgeenayo

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulanoooda uga hadlaya sharci saameyn ku yeelanaya Shirkadaha dalka gaar ahaan Shirkadaha waa weyn oo la sheegay in aysan bixin canshuurta ku waajibtay.

Xogheynta Golaha Shacabka ayaa ajandaha koowaad ee kulanka maanta ku daray sharciga Shirkadaha , waxa uuna sheegay in sharcigan horey Xukuumada Soomaaliya ugu soo gudbisay Golaha Shacabka.

Sharcigan maanta Baarlamaanka la horgeenayo oo ah mid saameyn badan ku yeelanaya Shirkadaha dalka ayaa hadii Baarlamaanka meel mariyaan waxaana qasab ku noqon doonta shirkadaha dalka in laga qaado canshuurta lagu leeyahay.

Golaha Shacabka oo horyaalaan hidiso sharciyeedyo badan ayaa dedejinaya meel marinta sharciyo muhiim ah Xukuumada Soomaaliya horey u meel marisay una gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo arrimo muhiim ah maanta kala hadlay Frantz Celestin

Cabdi Cade

Wasiir hore oo sheegay in Ciidamada NISA gurigiisa kusoo weerareen

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Wakiilada Puntland oo la magaacabay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---