Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Laftagareen ku soo arkay garoonka dayuuradaha Baydhabo?

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Howlaha Shaqo ee ka socda Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo

Madaxweyne Laftagareen ayaa Holwadeenada Garoonka iyo Wasiirka Gaadiidka ka Dhagastay Howlaha shaqo ee loo Qabto Dadka ku Safra Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo

Laftagareen ayaa Wasiirka Gaadiidka, Shaqaalaha Garoonka iyo Shirkada Asal uga Mahadceliyey sida hufan ee ay ugu adeegayaan Dadka ku Safra Garoonka

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Batroolka Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan.

Related posts

Daawo Video:- Sida yaabka leh ee shimbiruhu qiyaanada isugu sameeyaan

admin

Xaalad adag oo soo wajahday Maamulka Galmudug iyo caro ka dhalatay..

Caydiid Ali

Kenya oo soo dhoweysay warbixintii IGAD ka soo saartay khilaafka kala dhexeeya Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---